Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay galabta 3-1 kaga badisay toban ciyaartoy oo Southampton ah.

Da’ yarka Trevor Chalobah ayaa goolasha furay Daqiiqadii 9aax halka ay sidoo kale shabaqa u soo taabteen Timo Werner iyo Ben Chilwell oo guusha u xaqiijiyay daqiiqadihii 84aad iyo 89aad.

James Ward-Prowse oo rigoore u dhaliyay Southampton ayaa casaanm la siiyay markii VAR ay xukmisay inuu qalad xun ku galay Jorginho.

Blues ayay guushu ku raacday 3-1, waxaanay hoggaanka la qabatay Liverpool, Manchester United iyo Everton oo ay leeyihiin min 14 dhibcood.

Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta

Chelsea XI: Thiago Silva, Azpilicueta, Lukaku, Kovacic, Rudiger, E. Mendy, Werner, Loftus-Cheek, T. Chalobah, Chilwell, Hudson-Odoi

Subs: Alonso, Saul , Barkley, Jorginho, Kepa, Christensen, Ziyech, Mount, Havertz

Southampton XI: Walcott, McCarthy, Romeu, Redmond, Ward-Prowse, Bednarek, A. Armstrong, Walker-Peters, N. Tella, V. Livramento, Mohammed Salisu

Subs: Shane Long, F. Forster, Armstrong, M. Elyounoussi, Perraud, Adams, Lyanco, Djenepo, I. Diallo

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here