Kooxda Arsenal oo kulamadii ugu danbeeyay gaartay guulo ayaa kulankeeda caawa la kulantay Bar-baro goolal la’an ah kulan ay booqatay kooxda Brighton.

Bukayo Saka ayaa daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta u qalmayay inuu hoggaanka u dhiibo Arsenal kaddib markii uu kubadda kusoo eryaday saddex difaac balse uu goolhayaha Brighton ka joojiyey in kubaddu sy shabaqiisa gaadho.

Brighton ayaa samaysay fursadaha ugu badan sidoio kalena maamulaysay inta badan ciyaarta, waxaana fursaddoodii ugu horreysay ee ugu wanaagsanayd ka lumiyey Dunk oo kubbad halis ahayd uu Maupay ugu keenay xerada  ganaaxa.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa birta u garaacay Brighton isagoo meel adag ka toogtay goolka. Tomiyasu ayaa kubbad cajiib ahaa kasoo shaqeeyey, waxaanay is heleen Saka oo Burn boos la’aan ku riday, kaddibna Aubameyang ayaa si toos ah kubadda goolka ula aaday ka hor intii aanu dhinac tooganin, waxaase nasiib-darro ay kubaddu kaga dhacday birta.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday goolal la’an taasi oo ka dhigan in Arsenal ay ku jirto booska 9aad halka Brighton ay soo gashay booska 5aad ee horyaalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here