Liverpool ayaa haysa hoggaanka horyaalka Premier League iyadoon hal marna laga badin xilli ciyaareedkan, waxaanay la wareegtay kaalinta koowaad markii Chelsea ay guul-darrada la kulantay toddobaadkan horraantiisii, laakiin waxay su’aashu tahay miyey sii wadan doonaan rikoodhkooda guul-darro la’aanta marka ay garoonka Anfield ku qaabbilaan Manchester City galabnimada Axadda?

Safarkii ugu dambeeyey ee Manchester City ay ku tagtay Anfield waxa uu ahaa February, waxaanay 4-1 kusoo xasuuqday Liverpool oo waqtigaas kala daadsanayd, waxaana la xasuusan yahay in ciyaartaas uu qaladaad sameeyey goolhaye Alisson.

“Iima muuqato in goolal intaas lamid ah oo kale ay iman doonaan kulankan.” Sidaas waxa yidhi khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson ka hor inta aanu u gelin saadaashiisa kulamada toddobaadkan. Waxa uu ku daray: “Liverpool waxay u muuqataa inay ka xooggan tahay sidii ay waqtigaas ahayd. May samaynin saxeexyo laakiin waxa usoo laabtay dhamaan ciyaartoydii xilligaas dhaawaca ka ahaa, waana tartameyaal dhab ah, City ayaa iyaduna sidaas oo kale ah.”

Mark Lawrenson waxa uu saadaaliyey in ciyaartani ku dhamaan doonto barbarro goolal la iska dhalinayo, laakiin Manchester United ayaa uu u sheegay in duhurnimada Sabtida ay guul weyn ka gaadhi doonaan Everton oo ugu imanaysa Old Trafford.

Leeds United ayaa hali doonta guusheedii koowaad ee xilli ciyaareedkan kaddib saddex ciyaarood oo laga badiyey iyo saddex ay barbarro galeen, halka Arsenal iyo Chelsea ay guulo waaweyn gaadhi doonaan.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada 7aad ee Premier League

Sabtida

Manchester United 2-0 Everton

Burnley 2-1 Norwich City

Chelsea 3-0 Southampton

Leeds United 2-0 Watford

Wolves 2-1 Newcastle

Brighton 0-2 Arsenal

Axadda

Crystal Palace 0-2 Leicester

Tottenham 2-1 Aston Villa

West Ham 2-0 Brentford

Liverpool 1-1 Manchester City

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here