Timo Werner iyo Hakim Ziyech ayaa noqday kuwo ku dheeri ah kooxda Chelsea sida ay ku warameyso Fichajes.

Labada ciyaaryahanba waxay u guureen Stamford Bridge sanadkii hore, laakiin waxay ku dhibtoonayeen inay ka dhabeeyaan buunbuunintii loo saaray markii ay yimaadeen.

Weeraryahanka reer Jarmal Werner ayaa dhaliyay kaliya 13 gool 59 kulan oo uu saftay, halka ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee Ajax Ziyech lagu soo koobay kaliya 16 kulan oo horyaalka ah.

Sida laga soo xigtay Fichajes , Thomas Tuchel ayaa labada xiddig ku dari doona liiska suuqa kala iibsiga xagaaga soo aaddan isagoo raadinaya xulashooyin weerar oo cusub.

Warka ayaa intaas ku daraya in garabka Napoli Lorenzo Insigne uu ku jiro liiska Blues waxaana Werner iyo Ziyech laga yaabaa inay u banneeyaan xidigan Talyaaniga.

Chelsea ayaa ku qarashgareysay in ka badan 80 milyan oo ginni labada ciyaaryahan intii uu Frank Lampard maamulayay kooxda, laakiin waxaa yaraaday waqtigoodii inta uu joogay Tuchel.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here