Luis Suarez ayaa Caawa Shabaqa kasoo taabtay Barcelona iyadoo Kooxda Barca ay la kulantay guuldarro kale oo Xanuun badan Ciyaar ku soo dhamaatay 2-0 oo Atletico Madrid marti loo ahaa.

Weeraryahanka Atletico Madrid Luis Suarez ayaa gacmihiisa isa saaray si uu cafis u dalbado ka dib markii uu sii murjiyay dhibaatada Barcelona.

Xidigaha Kooxda Atletico Madrid ayay ku qaadatay 23 Daqiiqo inay Hogaanka Ciyaarta qabtaan kadib markii xidiga Thomas Lemar uu Gool u dhaliyay isagoo Caawin ka helay Luis Suarez.

Luis Suarez ayaana Hogaanka u dheereeyay Atletico Madrid isagoo Caawin ka helay Thomas Lemar Daqiiqadii 44aad ee Ciyaarta iyadoo qeybta hore ay ku soo dhamaatay Labadaasi gool.

Qeybta Labaad labada Kooxood ayaa sameeyay dhoor Fusad, Griezmann ayaa u soo dhawaaday inuu gool ka dhaliyo Kooxdiisa hore daqiiqaddii 74 aad isagoo lumiyay Fursadaasi guud ahaan Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0.

Atletico Madrid ayaa hada Hogaanka la qabatay Kooxda Real Madrid iyagoo wada leh min 14 dhibood, lakin Real Madrid waxaa  u harsan kulan.

Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta

Atletico XI: Suarez, Oblak, Savic, Koke, Carrasco, Lemar, De Paul, Gimenez, Hermoso, Llorente, Felix

Subs: Herrera, Vrsaljko, Griezmann, Trippier, B. Lecomte, Felipe, Correa, Saponjic, Lodi

Barcelona XI: Pique, Busquets, Coutinho, Ter Stegen, Depay, De Jong, Ronald Araujo, Dest, Óscar Mingueza, Nico González, Gavi

Subs: Alba, Luuk de Jong, Neto, Roberto, Umtiti, Lenglet, Pena, Eric Garcia, Riqui Puig, Fati, Y. Demir

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here