Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa dib usoo cusboonaysiin karta xiisaheedii weeraryahanka Man United ee Edinson Cavani marka uu suuqa January furmo. (El Nacional)

Kalvin Phillips ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Leeds United xilli uu wakiilkiisu sheegay in ay jirto filasho dhab ah oo ay labada dhinacba kaga dhabayn karaan. (Telegraph)

Donny van de Beek ayaa diyaar u ah inuu isku dayo inuu Manchester United iskaga tago suuqa bisha January sababtoo ah ciyaaris la’aanta kooxdaas ku haysata. (Mail)

Chelsea ayaa wali wadahadalada heshiis cusub kula jirta daafaceeda dhexe ee Antonio Rudiger. (Fabrizio Romano)

Timo Werner ayaa dib u qiimayn doona mustaqbalkiisa Chelsea haddii uu shaxda tababare Thomas Tuchel dib usoo geli kari waayo wuxuuna ku laaban karaa horyaalka Bundesliga dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Telegraph)

Barcelona ayaan shaqada ka caydhin doonin tababare Ronald Koeman kahor kulanka ay booqanayaan toddobaadka soo socda Atletico Madrid. (Sport)

tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu daray liiska tababarayaasha bedelka u noqon kara Koeman. (Mirror)

Dookhyada kale ee Barcelona ayay ku jiraan tababarihii hore ee kooxda Juventus ee Andrea Pirlo iyo macalinka River Plate ee Marcelo Gallardo kuwaas oo labaduba u furan shaqadaas. (Express)

Tababaraha xulka Spain ee Luis Enrique ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ku laaban doono Barcelona isaga oo doonaya inuu sii haysto shaqadiisa haatan ilaa heshiiskiisu dhacayo sanadka dambe ee 2022. (AS)

Arsenal oo xagaagii uun la saxeexatay goolhaye Aaron Ramsdale ayaa durba goolhaye kale doonaysa maadaama la filayo in Bernd Leno oo kooxdeeda ka bixi doono. (Metro)

AC Milan ayaa loo bandhigay saxeexa weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette kaas oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe. (Calciomercato)

Arsenal weeraryahankeeda Eddie Nketiah ayaa doonaya inuu kooxda ka tago waxaana xaaladiisa indho-indhaynaya kooxaha kala ah Leeds, Aston Villa iyo Brentford. (Ekrem Konur)

West Ham ayaa heli karta fursadii labaad ee ay kula saxeexan karto daafaca garab ee kooxda Juventus ee Luca Pellegrini oo ku dhibtoonaya inuu fursad ciyaareed helo. (Calciomercato)

Adama Traore oo xagaagii lala xidhiidhinayay inuu Tottenham ku biirayo ayaa kusii dhawaanaya inuu heshiis cusub u saxeexo Wolves.(Mail)

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa doonaya garabka kooxda Bayer Leverkusen ee Moussa Diaby. (Calciomercato)

Paris St-Germain ayaa doonaysay saxeexa kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson kahor intii aysan Lionel Messi qaab bilaash ah kaga qaadan Barcelona. (Here We Go podcast)

Barcelona ayaa soo jiidanaysa 17 sano jirka khadka dhexe ee ree Sweden ee Williot Swedberg kaas oo sidoo kale xiiso ka helay Liverpool iyo AC Milan. (Fichajes)

Hadalkii uu madaxa Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ku sheegay in Erling Haaland uusan heshiis kooxda lagaga fasaxayo kula jirin ayaa ka cadhaysiiyay wakiilka 21 sano jirkaas ee Mino Raiola. (AS)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here