Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Everton ayaa xiiseyneysa inay Gonzalo Villar kala soo wareegto Roma bisha Janaayo. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan awoodin inuu ku biiro kooxda koowaad ee Jose Mourinho xilli ciyaareedkan waxaana uu rajeynayaa inuu baxo,  Calciomercato

Xiisaha Darwin Nunez ayaa kordhay ka dib doorkii weeraryahanku ku lahaa guushii Benfica ay ka gaartay Barcelona tartanka Champions League.

Atletico Madrid, Inter iyo AC Milan ayaa dhammaantood ku rajo weyn inay la soo wareegaan 22-jirka reer Uruguay, kaasoo laba gool dhaliyey markii ay Barca 3-0 ku garaacday toddobaadkan. record

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Villarreal Pau Torres. Sida laga soo xigtay Marca ,

Axel Tuanzebe ayaa u furan fikradda ah inuu si joogto ah uga tago Manchester United, sida ay qortay Birmingham Mail.

Weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa ku riyoonaya inuu u dhaqaaqo Manchester City, sida ay sheegtay Gazzetta dello Sport.

Timo Werner waa inuu u dagaallamaa mustaqbalkiisa haddii uu doonayo inuu sii joogo Chelsea, sida ay qortay Standard Sport .

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay gasho loolanka loogu jiro weeraryahanka Napoli Lorenzo Insigne, sida ay ku warameyso Fichajes .

PSG ayaa haatan ugu cadcad saxiixa Erling Haaland waxayna isku diyaarineysaa inay ka soo baxdo mushaarkiisa aadka u badan, sida ay ku warameyso Gazzetta dello Sport.

Bayern Munich uma baahna inay la soo saxiixato Erling Haaland ilaa iyo inta Robert Lewandowski uu ilaashanayo qaab ciyaareedkiisa iyo taam ahaanshihiisa, sida uu qabo Mario Gomez.

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa mas’uul ka noqon doona kulanka Atletico Madrid isbuucaan si kastaba ha ahaatee guddiga ayaa si dhab ah u tixgelin doona booskiisa inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah, Sport

Barcelona ayaa lliiseeda ku dartay Jurgen Klopp si uu ugu noqdo badal Ronald Koeman oo tababare ah, sida laga soo xigtay El Nacional.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here