Donny Van de Beek oo rajadiisii ​​ahayd inuu soo jiito qaranka Dalkiisa ayaa laga reebay hada tababaraha Holland Louis Van Gaal, ayaa ka reebay xulka Holland ee  wajahaya Latvia iyo Gibraltar.

24-sano jirkaan ayaa yimid Old Trafford sannadkii hore kaddib markii ay 35 milyan oo gini kaga soo iibsatay Ajax laakiin waxaa loo weeciyey kaalin durugsan 18kii bilood ee ugu horreeyey ee uu kooxda joogay.

Van de Beek ayaa markii ugu dambeysay u ciyaaray kooxda Oranje bishii Maarso, markaasoo uu keydka ka soo kacay isla markaana uu shabaqa soo taabtay ciyaartii Holland ay 7-0 kaga badisay Gibraltar isreeb reebka Koobka Adduunka 2022.

Ugu dambayn 19 kulan oo uu u saftay xulka qaranka ayaa yimid saddex bilood ka dib, markaas oo uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Scotland ciyaar saaxiibtinimo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here