Tuchel ayaa ka hadlay Kulanka Southampton ee Premier League isagoo Shirkiisa Jaraa’id ee Jimcaha ku soo qaatay Xaalada Dhaawac ee Kooxda sida La Filayay dhoor Xidig ayuu ka Hadlay.

Christian Pulisic iyo N’Golo Kante ayaa ka mid ah kuwa weli dhaawacyada iyo xanuunada uga maqan Chelsea, laakiin rag muhiim ah ayaa dib ugu soo laabanaya safka kooxda.

Kubadsameeyaha heerka caalami ee xulka England Mason Mount ayaa ka mid ah kuwaasi , iyadoo 22 jirkaan uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Aston Villa taasoo ka dhigtay inuu ka maqnaado Blues labadii kulan ee ugu dambeysay.

Tuchel wuxuu raaciyay, “Mason wuxuu ku jiraa kooxda, wuu soo laabtay. Ma ahayn dhaawac dheer, wuxuu ahaa dhaawac fudud.

“Sida iska cad, wax la siiyay ogolaansho waa la magacaabay waana uu ku faraxsan yahay in lagu daray Xulka England.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here