Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Ilkay Gundogan iyo Oleksandr Zinchenko aysan diyaar u ahayn kulanka Axadda ee Premier League oo ay Liverpool la yeelanayaan.

Gundogan ayaa dhaawac bowdada ah ku seegay seddexdii kulan ee ugu dambeysay, halka Zinchenko uusan ka soo muuqan mid ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay maadaama uu qabo dhaawac aan la cayimin.

Isagoo la hadlaya saxaafada ka hor safarka usbuucaan ee Anfield, Guardiola ayaa yiri: “Qof walba waa taam marka laga reebo Zinchenko iyo Gundogan.

Tababaraha reer Spain ayaa ku rajo weyn in labada ciyaaryahanba ay ku soo laaban karaan kulanka ay City la ciyaareyso Burnley 16ka Oktoobar, ka hor inta aysan u safrin Club Brugge Champions League seddex maalmood ka dib.

Maqnaanshaha Gundogan, Bernardo Silva ayaa laga yaabaa inuu safto si uu ugu bilaabo kulankiisii ​​lixaad oo xiriir ah Premier League khadka dhexe waxaana lagu wadaa inuu ku biiro kubbad sameeyaha reer Belgium Kevin De Bruyne .

Dhanka kale Joao Cancelo oo ciyaaray 90-ka daqiiqo kulan kasta oo Premier League ah ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo daafaca bidix iyadoo Zinchenko uu dhinac ka daawanayo.

Man City ayaa isha ku haysa inay guul gaarto kulankeedii labaad oo xiriir ah Anfield isbuucaan, ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen gurigooda xilli ciyaareedkii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here