Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay shaxdii toddobaadkan ugu fiicnayd tartanka UEFA Champions League iyadoo Salaasadii iyo Arbacadii lasoo ciyaaray wareega labaad ee heerka Group-yada tartankaas.

Aan ku bilawnee goolhayaha xulashada shaxdan ayaa ah Athanasiadis oo muhiim kasoo ahaa in kooxdiisa Sheriff ay si mucjiso ah guul ugu gaadho gegida Estadio Santiago Bernabeu.

Shaxdan oo ahayd mid saddex daafac ayay kala yihiin Milan Skriniar oo Inter Milan kasoo caawiyay inay bar-bardhac goolal la’aan ah lasoo gasho Shakhtar, Douglas Santos oo guul kala soo gaadhay kooxdiisa Zenit dhigeeda Malmo isla markaana gool dhaliyay iyo Rakitskiy oo qudhiisu Zenit guushaas qayb kala soo ahaa.

Saddexda xiddig ee khadka dhexe kusoo baxay ayaa kala ah Idrissa Gueye oo PSG gool muhiim ah uga soo dhaliyay Manchester City, Federico Cheisa oo goolkii ay Juventus ku garaacday Chelsea saxeexay iyo Vanaken oo Club Brugge gool uga soo dhaliyay RB Leipzig.

Labada xiddig ee garbaha u ah xulashada UEFA ayaa ah Mohamed Salah oo Liverpool laba gool iskugu soo qoray kulankii ay Porto guusha weyn kasoo gaadheen iyo Leroy Sane oo gool iyo caawin usoo sameeyay Bayern Munich ciyaartii Dynamo Kiev.

Labaleyda afka hore ee xulashadan ayaa iyaguna ah Darwin Nunez oo laba gool kasoo dhaliyay Barcelona isaga oo Benfica metelayay iyo Adeyemi oo isaguna laba rigoore usoo dhaliyay RB Salzburg kulan ay 2-1 kaga guuleysteen Lille.

Shaxda Oo Sawir Ah

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here