Barcelona ayaa u magacowday Jordi Alba safkeeda kulanka Atletico Madrid ee Sabtida, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu ka soo kabsaday dhibaato muruqa ah oo ka soo gaartay Bayern Munich bishii hore.

Alba ayaa soo laabtay si uu u xoojiyo difaaca kooxda reer Catalan, laakiin Pedri ayaa laga saaray tartanka kooxda Diego Simeone sababo la xiriira bowdada.

Alejandro Balde ayaa sidoo kale boos ka waayay kooxda dhibaato dhanka dhabarka ah, halka Ousmane Dembele , Sergio Aguero iyo Martin Braithwaite aysan wali diyaar u ahayn xulashada.

Inkasta oo si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa, haddana tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa la filayaa inuu sii ahaado mas’uulka kulanka Sabtida ka dhacaya Wanda Metropolitano.

Warar kala duwan ayaa soo jeedinaya in tababaraha reer Holland uu waayi karo shaqadiisa fasaxa xulalka, inkasta oo guul laga gaaro Atletico la sheegay inay bedeli karto fekerka kooxda.

Guuldaradii is xig xigay ee Champions League ee Bayern Munich iyo Benfica ayaa cadaadiska ku kordhisay tababaraha, laakiin Barcelona ayaan laga badinin horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo 12 dhibcood ka heshay lix kulan si ay u fadhiso kaalinta lixaad , kaliya shan dhibcood ayay ka hooseysaa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid oo uu kulan u harsan yahay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here