Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa gelaya usbuucii toddobaad, waxaana dhacaysa ciyaartii ugu adkayd oo ay ku ballansan yihiin labada kooxood ee horyaalka ku kala guuleystay labadii sannadood ee ugu dambeeyey ee Manchester City iyo Liverpool.

Khabiirka  ciyaaraha Paul Merson oo kulamadan saadaaliyey ayaa qaarkood ka  farxiyey, kuwo kalena ka nixiyey naadiyada Arsenal, Chelsea, Manchester United, Liverpool, Man City, Tottenham iyo Everton.

Liverpool oo hoggaanka haysa iyo Man City oo labaad ku jirta ayaaku ballansan ku ballansan Anfield maalinta  Axadda, waxaana isku dhacoodu uu yahay kan ay kooxaha kale isha ku hayaan ee ay doonayaan inay ka faa’iidaystaan midkooda guul-darrada loo xambaariyo.

Manchester United ayaa waqti hore oo duhurka Sabtida ah waxay kulmi doonaan Everton, waxaanay raadin doonaan inay kusoo laabtaan jidka guusha kaddib khasaarihii ay kala kulmeen Aston Villa.

Isla Sabtida, waxa  kale oo foodda is dari doono Burnley iyo Norwich, halka Chelsea ay martigelin doonto Southampton iyadoo Watford na safar ugu tegi doonta Leeds United balse Wolves ayay ballansan yihiin Newcastle United halka Arsenal ay marti ku u noqonayso Brighton.

Axadda ayaa ah kulamada la sugayo. Liverpool vs Man City waa ciyaarta ugu adag usbuuca balse Crystal Palace ayaa martigelin doonta Leicester City, halka kooxda dhibaatada ku jirta ee Tottenham is arki doonaan Aston Villa.

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson oo kulamadan saadaaliyey ayaa waxa uu natiijo aan farxad badan lahayn, sidoo kalena ka nixinayn ugu bushaareeyey kooxaha Liverpool iyo Manchester City oo uu u sheegay inay barbarro ku kala bixi doonaan laakiin ay koox walba dhalin doonto min laba gool.

Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa Paul Merson u saadaaliyey guulo laakiin waxa uu ka nixiyey Tottenham oo uu rumaysan yahay inay guul-darradii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka Premier League la kulmi doono.

Saadaasha Paul Merson ee kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier  League:

Chelsea 2-0 Southampton

Wolves 1-1 Newcastle United

Burnley 2-0 Norwich City

Leeds United 3-1 Watford

Brighton 1-2 Arsenal

Tottenham Hotspur 1-2 Aston Villa

West Ham United 2-1 Brentford

Crystal Palace 2-1 Leicester City

Liverpool 2-2 Manchester City

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here