Photo/Reuters

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Jordan Henderson inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

In kasta oo uu muddo dheer xiriir la lahaa kooxda Merseyside-ka, haddana waxaa la isla dhexmarayay ka hor xilli ciyaareedka cusub iyadoo Henderson uu qandaraaskiisa uga harsan yahay kaliya labo sano.

Kabtanka kooxda ayaa tan iyo markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub Anfield, isagoo meesha ka saaray inay suurogal tahay inuu baxo inta lagu jiro wajiga xiga ee xirfadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano , 31-jirka ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigay fursad uu ugu saxiixi karo PSG haddii Lionel Messi uusan bilaash ku heli lahayn.

Isagoo ka hadlaya Podcast -ka Here We Go , Romano wuxuu sheeganayaa in Henderson loo aqoonsaday inuu ku soo kordhin karo qadka dhexe.

Romano ayaa intaa ku daray in qorshihii lagu soo saxiixi lahaa ciyaaryahan cusub oo booskaas ah dhawaan la xaliyay markii Messi uu xiiseynayay inuu u dhaqaaqo Parc des Princes.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here