Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay inuusan weli go’aansan inuu doorto Luke Shaw kulanka sabtida ee Premier League ee ay la leeyihiin Everton .

Shaw ayaa xanuun ku seegay kulankii Champions League ee Villarreal Arbacadii, laakiin daafaca ayaa sidoo kale dhaawac garabka ah qaba, kaasoo uu sii xumeeyay kulankii Aston Villa ee isbuucii hore.

Harry Maguire , Marcus Rashford iyo Amad Diallo ayaa dhamaantood laga saaray kulanka Toffees, laakiin Solskjaer ayaa sheegay in Shaw uu diyaar noqon karo.

“ Luke Shaw wuxuu dareemayaa naftiisa wanaag. Wuu xanuunsanaa laakiin weli wuxuu qabaa dhaawac garabka ah. Waa inaan go’aan ka gaarno isaga,” Solskjaer ayaa u sheegay suxufiyiinta intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee Jimcihii.

26 jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay England xagaagan koobka qaramada qaarada yurub sidoo kale xili cayaareedkan qaab ciyaareed heer sare ah ayuu ku jiray isagoo saftay 7 kulan tartamada oo dhan.

Aaron Wan-Bissaka ayaa ku soo laaban doona kooxda Man United Sabtida ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii Villarreal, halka Alex Telles uu diyaar u yahay inuu ku soo bilowdo kulan labaad oo isku xiga haddii Shaw uu awoodi waayo inuu soo kabsado.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here