Iyadoo guul weyn kasoo gaartay kooxda Chelsea, Juventus ayaa booqan doonta Torino della Mole kooxda ay isku magaalada yihiin .

Turin Derby -ga ugu horreeya ee xilli ciyaareedka ayaa u taagan fursad ay wiilasha Max Allegri ku sii wadan karaan soo nooleynta horyaalka, halka kooxda martida loo yahay ay dareemi doonaan kalsooni maadaama ay hal boos ka horreeyaan Juve xagga kala sarreynta iyadoo aan laga adkaan afar kulan.

Wararka Labada Kooxood

Torino: Xidigaha kala ah Simone Zaza, Marko Pjaca, iyo Dennis Praet ayaa dhaawac ku seegaya kulankan halka Koffi Djidji uu ganaax ku maqanyahay kadib casaaska uu qaatay.

Moise Kean ayaa ku soo bilaaban doona weerarka isagoo garab taagan Federico Chiesa ka dib markii Paulo Dybala iyo valvaro Morata ay dhowr toddobaad garoomada ka maqnaayeen dhaawacyo muruqa ah.

Leonardo Bonucci ayaa laga yaabaa in la nasiyo isbuucaan ka dib guushii ay ka gaareen Chelsea bartamihii isbuuca.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Torino: Milinkovic-Savic; Buongiorno, Bremer, Rodriguez; Singo, Pobega, Mandragora, Aina; Linetty, Brekalo; Sanabria

Juventus: Szczesny, Cuadrado, Chiellini, Bonucci, Sandro; Bentancur, Locatelli, McKennie; Chiesa, Kean, Kulusevski

Torino Vs Juventus
Tartanka Serie A
Saacada (19:00pm Somalia) (18:00pm Yurub)
Garoonka Stadio Olimpico Grande Torino

Kulamada kale

Kooxda Wali aan laga badin Serie A, isla markana heysata Scudetto ee Inter Milan ayaa Mapei Stadium kula kulmi doonta Sassuolo.

In kasta oo Nerazzurri ay la qabsatay noloshii Simone Inzaghi haddana waxaa ku soo wajahan kulamo adag oo tijaabo u ah macalinkan.

Wararka Labada Kooxood

Sassuolo: Waxaa dhaawac uga maqan Pedro Obiang halka Mert Müldür uu ugu cadcad yahay inuu ku soo bilowdo daafaca midig ee Neroverdi isbuucaan.

Inter Milan: Joaquín Correa iyo Arturo Vidal ayaa diyaar u ah xulashada isbuucaan, laakiin Simone Inzaghi ayay u badan tahay inuu xaqiijiyo shaxda koowaad ee isbuucii hore.

Stefano Sensi ayaa kooxda ugu maqan dhaawac ahaan halka Christian Eriksen uu wali maqanyahay

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Sassuolo: Consigli; Muldur, Chiriches, Ferrari, Kyriakopoulos; Magnanelli, Frattesi, Lopez; Berardi, Raspadori, Boga

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Darmian, Barella, Brozovic, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Dzeko

Sassuolo Vs Inter Milan
Tartanka Serie A
Saacada (21:45pm Somalia) (20:45pm Yurub)
Garoonka Stadio Olimpico Grande Torino

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here