Ka sokow guushii ugu dambeysay ee Arbacadii ay ka gaareen Villarreal tartanka Champions League, Manchester United ayaa dib u bilaabi doonta ololaheeda Premier League oo ay gurigeeda kula ciyaari doonto Everton galabnimada Sabtida.

Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad ee horyaalka , waxayna hal dhibic ka hooseysaa hogaamiyayaasha Liverpool, halka Everton ay ku jirtokaalinta shanaad.

Wararka Labada Kooxood

Manchester United: Aaron Wan-Bissaka ayaa ka soo laabtay ganaax uu ku maqnaa Manchester United laakiin Harry Maguire ayaan weli diyaar u ahayn dhaawac dartiis.

Inkastoo lagu soo daray xulka England, Luke Shaw ayaa seegi kara mar kale sabtida sababo la xiriira garabka. Alex Telles iyo Diogo Dalot ayaa heegan ku jira.

Marka la fiiriyo is -beddelka xooggan ee u dhexeeya kulamada, Solskjaer waa inuu dhab ahaantii safkiisa ku bilaawdaa isagoo ku soo bilaabaya Jesse Lingard, Nemanja Matic iyo Edinson Cavani.

Marcus Rashford iyo Amad Diallo ma soo laaban doonaan ilaa fasaxa xulalka kadib.

Everton: Jordan Pickford iyo Lucas Digne ayaa ka soo kabsaday dhaawac iaygoo ku soo bilowday kulankii ay Everton 2-0 kaga badisay Norwich isbuucii hore, inkastoo uu shaki ku jiro Jardon.

Si kastaba ha ahaatee, Rafa Benitez ayaa weli waxaa ka maqan Seamus Coleman, Richarlison iyo Dominic Calvert-Lewin ilaa fasaxa caalamiga ah kadib. Alex Iwobi ayaa sidoo kale shaki weyn ku jiraa.

Andre Gomes waa laga saaray laakiin Jean-Philippe Gbamin ayaa keydka kasoo muuqandoona Sabtida.

Iwobi oo qarka u saaran inuu seego kulankaan, layaab ma noqon doonto haddii Benitez uu ciyaaro seddex daafac oo dambe ah ama uu si kale u riixo Lucas Digne oo dhanka bidix ka ciyaara Ben Godfrey. Anthony Gordon waa ikhtiyaar kale oo lagu beddeli karo Iwobi.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Varane, Shaw; Matic, Fred; Greenwood, Fernandes, Pogba; Ronaldo

Everton possible: Pickford; Godfrey, Mina, Keane, Digne; Townsend, Doucoure, Allan, Iwobi; Gray; Rondon

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay la ciyaareen Everton (6-guul iyo 5-bar baro), waxayna 4-0 ku garaaceen Goodison Park bishii April 2019.

Iyaga oo badiyay kulankoodii ugu horreeyay ee Premier League ee ay bannaanka kula soo ciyaareen Manchester United bishii Ogosto 1992, Everton ayaa ku soo guuleysatay kaliya mid ka mid ah 28kii safar ee ay ku tagtay Old Trafford (D7 L20).

Manchester United ayaa laga dhaliyay ugu yaraan hal gool sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, iyadoo Red Devils ay ugu dambeysay muddo dheer oo aan shabaqeeda gool ka ilaalin horyaalka heerka koowaad intii u dhexeysay September 1970 iyo February 1971 (10 kulan).

Manchester United Vs Everton 

Tartanka Premier league

Saacada (14:30pm Somalia) (13:30pm Yurub)

Garoonka Old Trafford

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here