Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Napoli Lorenzo Insigne sanadka 2022.

30 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Naples wuxuu dhacayaa bisha soo socota ee June, kooxo badan oo ay ku jirto Tottenham Hotspur ayaa weli lala xiriirinayaa weeraryahanka qibrada leh.

Insigne ayaa ku bilaabay ololihii 2021-22 qaab cajiib ah, isagoo dhaliyay labo gool isla markaana caawiye ka ahaa seddex kale lix kulan oo Serie A ah, halka uu shabaqa soo taabtay 111 jeer 405 kulan oo uu u saftay Napoli tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , kooxda ka ciyaarta Serie A ayaa haatan wadahadalo kula jirta wakiilka xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay ka horreyso kuwa kale marka ay timaaddo loolanka loogu jiro saxiixiisa, Gunners, sida ay hadda tahay, ayaa isku diyaarineysa inay u dhawaato ciyaaryahanka bisha Janaayo.

Insigne, oo door muhiim ah ka qaatay in dalkiisu ku guuleysto Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan, wuxuu soo maray nidaamka dhalinyarada ee Gli Azzurri ka hor inta uusan safan kooxda koowaad ee 2010.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here