Muqdisho (dalkaan)- Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu doortay lix ka mid ah 11-ka senator ee gobollada waqooyi ka soo geleysa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hartay shan kale oo lagu wado in berri la doorto.

Xubnaha shalay lagu doortay Afisyooni ayaa kala ah: 1- Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, 2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, 3- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, 4- Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, 5- Layla Axmed Ismaaciil, 6- Iyo Bilaal Idiriis Cabdullahi.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa afarta Senator ee ugu caansan taariikh nololeedkooda.

Waa kuma Cabdi Xaashi?

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi, Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii.

Waxbarasho:
1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar
1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho
1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho
1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho
Shaqo:
1972-1974: Macalin Ceel Jaalle
1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.
1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS
1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.
1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka
1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka
1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.
1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.
1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.
1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda.
2004-2009: Xubin Baanrlamaan.
2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.
2008-2009: Wasiirka Caafimaadka
2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.

Hadaba waa Kuma Saalax Axmed Jaamac?

Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac:  Waxa uu dhashay sanadkii 1980-kii, waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master ee cilmiga siyaadda ka heysta Jaamacadda Carleton University.

Waxaa uu ka  shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.

Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda ee Dowladda Federaalka.

Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda siyaasadda Siyaasadda.

Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada  horumarinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqoraadiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul.

Waa Kuma Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar?

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Taariikhda Prof. Cabdi Samatar waa 59 jir ku dhashay magaalada Gebiley ee waqooyi galbeed, ee Somaliland.

Xagga waxbarashada, cilmiga waxbarashada ayuu ka bartay University of Wisconsin–La Crosse, cilmiga qorshaha magaalooyinka ayaa waxaa uu ka diyaariyey Masterka Jaamacadda Iowa State halka PhD uu ka dhigtay UC Berkeley.

Hadda waxaa uu Geography ka dhigaa University of Minnesota, cilmi baarana ka ah University of Pretoria, buugaag badan ayuu qoray waxaa ka “Africa’s First Democrats’.

Prof. Samatar waxaa uu caan ku yahay falanqeynta siyaasadda, isaga horay qeyb ka ahaa doorashada, noqdana guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo hufnaanta, waxaa shalay loo doortay Senator baarlamaanka 11-aad.

Hadaba Waa Kuma Cismaan Abuukar Dubbe ?

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee Gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sarena waxa uu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare ee dagmada Hodan, ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo.

Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa suxufi iyo tafatire ka hawl-gala wargeysyada Somaliland.

October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.

June 2003dii ayuuna ka qalin jebiyey Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).

September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horreeyey xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la odhan jirey Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee xisbigaas.

Sanadihii uu Professor-ku joogay UK Wuxu ahaa dadka ka shaqeeya adeegga dadweynaha (Community Work), iyo la’ taliye sharci, gaar ahaan arimaha immigrationka, sidoo kalena wuxu kaaliye ka noqday cilmi-baadhis mug weyn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waaweyn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tira badan yahay ee UK. Isla xiliyadaasna (2003-2005) Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jirey jariirad la odhan jirey Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, waxaanu Internetka iyo wargeysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah ugu soo baxay oo cinwaankoodu ahaa Badweynta Nolosha.

September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London)

Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow ka’ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii weynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxaanu noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayey hoggaaminta Xisbiga Hanoolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.

December 2011kii ayay Hay’adda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horreysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii.

Wejigii labaad na wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayey sanadihii 2014 iyo 2015.
Muddadaas uu ku shaqaynayey khabiirka wuxu qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Somaliland iyo ka Federaalka.

Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macalin jaamacadeed. Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macalinimo ku tegey jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu muxaadooriyin cilmi oo waaweyn ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University oo ku yaal Muqdisho.

Hogaamiye Cismaan wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya Qaladaadkii Siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka Qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Professorku hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).

Professsor Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020 Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo lagu heshiiyey in aan doorashada 2021 lagu gelin Xisbiyo.

Prof Osman Abokor wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga Beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan. Waxaanu Professorku ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here