Photo/Reuters

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Trent Alexander-Arnold uusan diyaar u noqon doonin kulanka axada ee Premier League ee ay la leeyihiin Manchester City .

Daafaca midig ee England ayaa muruqa ka dhaawacmay ka hor bartamihii isbuucaan Champions League oo ay ka badiyeen Porto, taasoo mar kale keentay in James Milner uu buuxiyo booskiisa kulankii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda Sergio Conceicao .

Alexander-Arnold ayaa mar horeba loo tixgaliyay inuu shaki weyn ku jiro booqashada kooxda heysata horyaalnimada, laakiin Klopp ayaa hadda gabi ahaanba meesha ka saaray inuu daafaca ka garab ciyaari doono Thiago Alcantara .

Isagoo warbixin cusub ka siinaya liverpoolfc.com , Klopp ayaa yiri: “Maya‘  ma heli doonaan waqti ku filan oo ay ku soo laabtaan kulanka City, laakiin waxaan filayaa inay labadooduba soo laaban doonaan ka dib fasaxa xulalka.

“Laakiin waxaan heysanaa koox fiican iyaguna waxay soo laaban doonaan fasaxa kadib”.

Alexander-Arnold ayaa durba ku faanay seddex caawin lix kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here