Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afarta xiddig ee ku loolami doona ciyaaryahankii toddobaadkan ugu wanaagsanaa Champions League oo xalay iyo habeen hore la ciyaaray wareega labaad ee Group-yada.

Afarta xiddig ayaa kala ah Darwin Nunez (SL Benfica), Milan Skriniar (Inter Milan), Leroy Sane (Bayern Munich) iyo Athanasiadis.

Aan ku bilawnee Skriniar ayaa muhiim usoo ahaa in Inter Milan ay bar-bardhac goolal la’aan ah lasoo gashay Shakhtar Donestk isaga oo 3 taakal ka sameeyay ciyaartaas, sidoo kale 3 jeer kubadda soo qaatay isla markaana baas sixitaankiisu 89% ahaa.

gumaado Dynamo Kiev oo ay 5-0 kusoo garaacday isaga oo gool iyo caawin soo sameeyay.

Garabka weerar ee kooxda Benfica ee Nunez ayaa isaguna markale soo muujiyay awoodiisa ciyaareed ee uu kusoo jiitay kooxo badan oo Yurub ah isaga oo laba gool la gaadhay shabaqa Barcelona oo ay 3-0 ku xasuuqeen.

Ugu dambayn, goolhaye Athanasiadis ayaa muhiim u ahaa in kooxdiisa yar ee Sheriff oo taariikh ahaan 24 sano jirta ay guul ka gaadhay kooxda ugu guulaha badan taariikhda Champions League ee Real Madrid isaga oo 11 badbaadinood sameeyay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here