Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Milan ayaa ku raad joogta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sampdoria Mikkel Damsgaard – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Manchester United ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Aberdeen Calvin Ramsay – sida laga soo xigtay The Sun .

Juventus, Milan iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaantood xiiseynaya saxiixa xiddiga reer Poland Kacper Kozłowski – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Milan ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Monaco ayaa dalbanaysa 40 million (£ 34m/$ 46m) oo ku aadan xiddigga lala xiriirinayo Chelsea ee  Aurelien Tchouameni – sida laga soo xigtay Fichajes .

Declan Rice ayaa wacad ku maray inuu “wax walba” siin doono West Ham iyadoo su’aalo la iska weydiinayo mustaqbalkiisa, iyadoo xiddiga heerka caalami ee England uusan wax badan ka fiirsanin wararka la xiriirinaya Manchester United iyo Chelsea. Goal

Tottenham ayaa isha ku haysa Lorenzo Insigne iyada oo wadahadalada heshiis kordhinta xiddiga garabka uga ciyaara Napoli ay qortay Daily Mail.

Moussa Diaby ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Bayer Leverkusen laakiin uu u furan yahay inuu mar uun ku laabto PSG. L’Equipe

Luis Enrique ayaa ku adkeystay inuusan ku laaban doonin inuu noqdo tababaraha cusub ee Barcelona iyadoo la isla dhexmarayo in la ceyrin doono Ronald Koeman. Goal

Federico Chiesa, oo lala xiriirinayay inuu lacag badan ugu biiri doono Liverpool sannadka 2022, ayaa iska fogeeyay “xanta aan macnaha lahayn” ee ku saabsan isaga  Amazon Prime Italia

Barcelona ayaa isha ku heysa inay meel iska dhigto u dhaqaaqista Mohamed Salah sanadka 2022, sida ay sheegtay El Nacional.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ka dhigto Joakim Maehle oo ka tirsan Atalanta badalka mustaqbalka fog ee Dani Carvajal, Fichajes

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here