Gudoomiyaha kooxda Tottenham Hotspur Daniel Levy ayaa lagu soo waramayaa inuusan lahayn qorshe degdegah oo uu xilka kaga qaadayo Nuno Espirito Santo .

Tababarihii hore ee Wolverhampton Wanderers ayaa ku bilowday bilowgiisii ​​ugu feecnaa ee kooxda isagoo saddex guulood oo xiriir ah ka gaaray Manchester City, Wolves iyo Watford si uu u soo baxo kaalmaha ugu sarreeya.

Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaa tan iyo markaas saddex guuldarro la kulantay Crystal Palace, Chelsea iyo kooxda ay ku xifaaltamaan Waqooyiga London ee Arsenal, taasoo keentay in la isla dhexmarayo in laga yaabo in la ceyriyo macalinkan

Shaqada Santo ayaa hadda u muuqata mid badbaado leh, inkastoo The Athletic ay sheegeyso in Levy uu aaminsanyahay macalinka reer Portugal.

Warbixinta ayaa sheegeysa in xaaladda Santo aysan culeys badneyn kadib markii xidigaha kooxda ay dhinac taaganyihiin.

Qandaraaska Santo ee Spurs wuxuu soconayaa ilaa 2023, wuxuuna rajeynayaa inuu arko kooxdiisa oo guuleysaneysa marka ay la ciyaarayaan NS Mura kulanka Europa League League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here