Tababare Antonio Conte ayaa aaminsan in Chelsea aysan si buuxda uga faa’idaysan karin qaab ciyaareedka weeraryahan Romelu Lukaku isla markaana uusan tababare Thomas Tuchel qaabkiisa ugu fiican u ciyaarsiin karin.

Lukaku ayaa suuqii xagaaga dib ugu soo biiray Chelsea isaga oo heshiis 115 Milyan oo euro ah markale ku yimid Stamford Bridge, 28 sano jirkaas ayaa qaab deg-deg ah ku bilawday waxaana uu soo dhaliyay 4 gool 4tiisii kulan ee ugu horreeyay.

Si kastaba, Conte oo Lukaku kula soo shaqeeyay Inter Milan isla markaana ah ninka sababta u ah Lukaku-gan cusub ee cabsida badan laga qabo ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Blues aysan si fiican u adeegsan karayn dhaliyaha ree Belgium.

“Waxaan filayaa inuu isagu wali sidan si ka fiican samayn karo, isagu xilli horeba waxa uu joogaa heer aad u wanaagsan laakiin waa in ciyaaryahanku sii wado horumarkiisa ilaa maalinta uu ka hawl-gabayo” ayuu yidhi Antonio.

“Kulanka dhexdiisa waxa jira mararka qaar uu Lukaku u baahdo in la daaro, laakiin marka intaas laga yimaado isagu waa mid kamida weeraryahanada ugu adag ee laga hortago sababtoo ah isagu dhaawac ayuu ku geysan karaa meelkasta oo garoonka ah”

“Haddii aad haysato weeraryahan noocaas ah waxaad u baahantahay inaad adeegsato umana malaynayo in Chelsea ay wali ogaatay qaabka isaga loo isticmaalo”

“Xilli ciyaareedkii hore iyagu may haysan weeraryahan dhexe oo sax ah sidaas darteed boosaska ayay isku bedbedalayeen halka Romelu uu yahay tixraac dhab ah oo weerarka ah”

“Haddii ay ogaan karaan sida Lukaku loo adeegsado kaddib Chelsea waxay noqon doontaa kooxda ugu cad-cad Champions League xilli ciyaareedkan”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here