Difaaca kooxda Manchester United Aaron Wan-Bissaka ayaa lagu ganaaxay kaarka casaanka ah ee uu qaatay kulankii Young Boys ee Champions League oo lagu kordhiyay laba kulan guddi anshaxeedka UEFA.

Wan-Bissaka ayaa qaatay kaarka gaduudan si toos ah daqiiqadii 35-aad ee guuldaradii lama filaanka ahayd ee kooxdiisa soo gaartay horaantii bishaan kadib markii uu qalad ku galay Christopher Martins Pereira.

Daafaca dambe ayaa ganaax hal kulan ah oo qasab ah lagu kordhiyay ‘ciyaar adag’, taasoo la micno ah inuu seegi doono kulanka ay gurigeeda kula yeelan doonaan Atalanta bisha soo socota marka lagu daro kulanka Villarreal.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here