Arsenal ayaa xaqiijisay in xiddiga khadka dhexe ee muhiimka ah Granit Xhaka uu wajahayo seddex bilood oo uu garoomada kaga maqnaan doono dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii Tottenham Hotspur.

Kabtanka Switzerland ayaa dhammaystiray 82 daqiiqo guushii 3-1 ee North London derby, laakiin weeraryahanka Spurs Lucas Moura ayay isku dhaceen.

Gunners ayaa xaqiijisay maanta in Xhaka uu dhaawac weyn ka soo gaaray muruqa dhexe ee jilibka midig, ka dib markii laga soo qaaday sawir ay ku xiranyihiin qalab kala duwan.

Sidaas darteed, Xhaka lama filayo inuu mar kale ciyaaro ka hor 2022 wuxuuna kulamada Arsenal ee bisha Janaayo.

Kaddib markii uu dhammeystay ganaax seddex kulan ah oo uu ku muteystay kaarkii casaa ee uu qaatay kulankii Manchester City, Granit Xhaka ayaa si toos ah loogu soo tuuray safka hore ee Mikel Arteta ee kulanka North London derby wuxuuna noqon doonaa mid si weyn u seegi doona bilaha soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here