Photo/Reuters

PSG ayaa Xalay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Manchester City Kulan ku soo dhamaaday Labo gool iyo Ebar.

Lionel Messi ayaa Kulankan Sameeyay Goolkiisa ugu horeeyay ee Kooxda tan iyo Markii uu ku soo biiray Kooxda Bilowga Xagaagan.

Kukanka kadib Macalinka Kooxda Pochettino ayaa ka Hadlay Guusha PSG ee Manchester City oo ku tilmaamay mid muhiim ah kuna Faraxsanyahay.

Pochettino ayaa yiri: “Saddexda dhibcood runtii waa muhiim. Ma ahayn wax sahlan markii ay City si fiican u ciyaartay laakiin waxaan ku guuleysanay inaan dhab ahaan weerarno oo aan dhalino laba gool. Aad ayaan u faraxsanahay. ”

Natiijada ayaa hurisay tartankii PSG ee Group A ka dib barbarihii furitaanka ee ay la galeen Club Brugge waxayna ka sare mareen City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here