kooxda Manchester United ayaa mar kale xaalkeeda sii xumaan lahaa Caawa kadib markii ay bar-baro ka badbaaday xidiga CR7 ayaa dhamaadka ciyaarta gool ku badbaadiyay

Red Devils ayaa caawa ciriirsatay guusha kulankan markii xidiga Ronaldo uu gool qurux badan u dhaliyay isagoo noqday xidiga afaraad ee ugu soo muuqashada badan koobka champions league-ga.

Labada kooxood ayaa qeybta hore ku kala baxay Goolal la’an lakin Villarrreal ayay u suura gashay in isku soo laabadka qeybta labada qabato hogaanka markii xidiga P. Alcacer uu dhameestiray kubad banaanka loo soo dhigay daqiiqadii 55aad,

Man United oo caawa u muuqatay mid aad u liidata ayaa heshay goolka bar-baraha Daqiiqadii 72aad Xidiga Alex Telles ayaa u dhaliyay kubada banaanka loo soo dhigay oo ka timid Bruno kaasi oo goor hore xidigan u sheegay in uu banaanka u yaro boxo, Ronaldo ayaana u saxiixay goolka guusha dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 9+7aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaa ku soo idlaaday 2-1.

Natiijo ahaan Man United ayaa ku jirta booska 3aad ee Guruubka F Halka Villareal ay fadhiso booska ugu hooseeyo ee guruubkan.

Shaxda lagu soo bilaabay Ciyaarta

Man Utd XI: Ronaldo, De Gea, Alex Telles, Lindelof, Varane, Pogba, Bruno Fernandes, Dalot, Sancho, McTominay, Greenwood

Subs: Heaton, Cavani, Mata, Matic, Fred, Martial, Lingard, Bailly, Dean Henderson, Van de Beek, A. Elanga

Villarreal XI: Albiol, Capoue, Parejo, G. Rulli, Alcacer, Trigueros, Moreno, Groeneveld, P. Torres, Foyth, Yeremy

Subs: Asenjo, Iborra, Gaspar, Mandi, Moi Gómez, R.Peña, P. Estupiñán, Pedraza, F. Jörgensen, B. Dia, N. Iosifov

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here