Juventus ayaa gurigooda ku garaacday Chelsea kulankii labaad ee wareega group-yada Champions League iyadoo uga mahadcelinmeysa Chiesa oo gool uu ku galay taariikhda tartanka ka dhaliyay kooxda Blues bilowgii qeybta labaad Daqiiqadii 46aad

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Juventus ay lix dhibcood ku hogaamineyso Group H halka Chelsea ay ku jirto kaalinta labaad iyagoo leh 3 dhibcood, waxay 3 dhibcood wadagaaan kooxda kaalinta 3aad ee Zenit oo 4-0 uga soo badisay Malmo..

Benfica 0-3 Barcelona

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul-darro iyo bahdilaad xanuun badan la kulantay ciyaartii labaad ee Champions League ah, waxaanay halis ugu jirtaa in xilli hore ay ka hadho tartankan, kagana baxdo wareegga  koowaad ee hormooyinka.

Barcelona oo ciyaartii hore ay Bayern Munich ku karbaashtay 3-0 ayaa waxa isla natiijadii oo kale u dhiibtay kooxda reer Portugal ee Benfica oo saddex gool oo jawaab la’aan ah ku shubtay shabaqa kooxda reer Spain.

Kooxdan uu bahdilku ku dhacay ee ku silcaysa garoomada kaddib bixitaankii Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ayaa daqiiqaddii 3aad ee bilowga ciyaarta  waxa shabaqooda soo taabtay Darwin Nunez oo taabsiiyey xaqiiqada ah in ay hoos usii socdaan.

Fursado badan oo kale ayay Benfica heshay laakiin kama aanay faa’iidaysanin qaybta hore, halka Barcelona ay iyaguna ahaayeen kuwo khadka dhexe iyo ka baaba’san, difaacooduna aanu shaqaynayn.

Qaybtii labaad ayay Benfica si dhab ah u niyad-jabisay Barcelona, waxaana gool labaad oo ahaa mid qurux badan u dhaliyey Rafa Silva, waxaanu goolkan saxeexay daqiiqaddii 69aad.

Benfica intan oo kaliya kuma aanay joogin, waxaanay mar kale sii kordhiyeen goolashooda. Laacibka reer Aruguay ee D. Nunez ayaa gool saddexaad oo niyad-jab ah ka dhaliyey Barcelona, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Benfica.

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa xasuuq kale geysatay, waxaanay 5-0 ku burburisay Dimamo Kiev.

Laba gool oo uu dhaliyey Robert Lewandowski iyo saddexda kale oo ay ku dareen Gnabry, Leroy Sane iyo Choupo-Moting ayaa dhamaystiray xasuuqa ay Bayern Munich geystatay.

Group-ka E ee ay afartan kooxood ku wada jiraan waxa hoggaaminaysa Bayern Munich oo haysata lix dhibcood iyo siddeed gool, halka Benfica oo labaad ku jirta ay xaqiijisatay afar dhibcood, iyadoo Dinamo Kiev ay leedahay hal dhibic. Barcelona ayaa ah kooxda illaa hadda aan wax dhibco ah lahayn, wax goolal ahna aan dhalin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here