Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay sii dhow isha ugu heyso Arnaut kulanka Villarreal ee Champions League caawa.

24 jirkaan ayaa ku biiray kooxda Unai Emery horaantii xagaagan heshiis 21 milyan ginni ah oo kaga yimid Bournemouth wuxuuna durbadiiba sameeyay seddex gool lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Danjuma ayaa qalinka ugu duugay Villarreal heshiis gaaraya ilaa 2026 markii uu yimid Spain, laakiin Liverpool ayaa hore loogu saadaalinayay inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Netherlands horaantii suuqii xagaaga.

Danjuma ayaa ka soo muuqan doona kulanka ee ay Man United kula ciyaari doonto Champions League, Voetbal International ayaa ku warameyaa in Liverpool ay indha -indheeyayaal u dirayso Old Trafford si ay u soo daawadaan weeraryahanka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in kooxda Jurgen Klopp ay Danjuma u aragto bedelka mustaqbalka fog ee Sadio Mane , kaasoo aan weli kordhin qandaraaskiisa Anfield wixii ka dambeeya xagaaga 2023.

Xiddigii hore ee PSV ayaa dhaliyay 15 gool iyo 7 caawin 33 kulan oo Championship ah xilli ciyaareedkii hore wuxuuna saftay 14 kulan xilli ciyaareedkii 2019-20 Premier League isagoo aan shabaqa soo taaban.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here