Kaliya maahan UEFA Champions League mid ka mid ah tartamada isboortiga ee ugu xiisaha badan dunida, laakiin sidoo kale waa mid ka mid ah tartamada ugu macaashka badan xagga dhaqaalaha.

Premier League waxaa uga qeyb galaya afar kooxood xilli ciyaareedkan – kooxda qaaday koobka xilli ciyaareedkii hore ee Chelsea, kooxdii laga qaaday ee Manchester City, Liverpool oo 2019kii ku guuleysatay iyo Manchester United oo seddex jeer hanatay koobkaan.

Koox kasta oo ka qeybgaleysa Champions Leaguie xilli ciyaareedkan 2021/22 waxaa la siinayaa fursad ay ku kasbato lacag ka badan 85.1 milyan euro.

Lacagtaas waxaa qaadanaya kooxdii badisa kulan walba oo wareega group-yada  islamarkaana koobka ku qaada magaalada St Petersburg bisha May ee sannadka soo socda, waxaana u sii dheer lacagaha xuquuqda baahinta tartanka oo ku xiran kaalinta ay koox walba kaga jirto qiimeynta kooxaha UEFA.

Lacagtaan waxay aad uga badan tahay 23.4 milyan ginni oo ay qaadaneyso kooxdii hanata Europa League ama 15.5 milyan ginni oo ay qaadaneyso kooxdii qaada koobka cusub ee Europa Conference League.

Lacag gaareya 1.1 bilyan euro ayaa loo qeybin doonaa 32da kooxood ee ka qeybgalaya Champions League inta tartanka uu socdo xilli ciyaareedkan.

Lacagaha Abaalmarinta Champions League ee koox walba

  • In laga soo baxo wareega group-yada – 15.6 milyan euro.
  • Guul kasta oo wareega group-yada la gaaro – 2.8 milyan euro
  • Barbaro kasta wareega group-yada  – 930 kun euro
  • In loo soo baxo wareega 16ka – 9.6 milyan euro
  • In loo soo baxo wareega sideed dhamaadka – 10.6 milyan euro
  • In loo soo baxo wareega afar dhamaadka – 12.5 milyan euro
  • In la ciyaaro finalka – 15.5 milyan euro
  • Ku guuleysiga finalka – 4.5 milyan euro
  • U soo bixitaanka UEFA Super Cup – 3.5 milyan euro
  • Ku guuleysiga Uefa Super Cup – 1 milyan euro

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here