Chelsea iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in labadaba xiiseynayaan saxiixa xidiga Newcastle United ee Allan Saint-Maximin inta lagu jiro xagaaga soo aadan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

24 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay bilowgii xilli ciyaareedka 2021-22 Premier League, isagoo dhaliyay labo gool isla markaana diiwaangeliyay seddex caawin lix kulan oo uu saftay.

Dhanka kale, xiddiga reer France ayaa gacan ka geystay sagaal gool iyo 14 caawin 63 kulan oo uu u saftay Magpies tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Nice bishii Ogosto 2019.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Chelsea iyo Liverpool labaduba waxay muujinayaan ‘xiise weyn’ oo ay u qabaan weeraryahanka, iyadoo Newcastle ay wajaheyso dagaal ay ku sii heysato 2022.

si kastaba ha ahaatee, waxay ku andacooneysaa in kooxda Steve Bruce aysan furidoonin inay wada xaajoodaan bisha Janaayo oo kaliya ay diyaar u yihiin inay galaan wadahadalada suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Saint-Maximin ayaa weli waxaa u harsan shan sano si uu u sii wado qandaraaskiisa St James ‘Park.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here