Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada 2020/2021-ka.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa looga hadlay howlaha hor yalla guddiyadaan iyo doorashooyinka.

Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeyey ay si rasmi ah u howl-galeen guddiyadaasi.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay ka shaqeeyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorashada cadaalad oo dhinacyada oo dhan ay u siman yihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday guddiyadan inay si gaar ah u ilaaliyaan qoondada haweenka ee ah 30%.

“Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba xubnaha guddiyadan oo u badan dhalinyaro ayaa waxa si weyn uga soo horjeeda musharraxiinta mucaaradka oo shaaciyey in aysan ku kalsooneyn guddiyadaasi.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here