Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, wuxuuna ku beddelay Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud Abubakar.

Wareegto kasoo baxday Rooble ayaa lagu sheegay in Cawad loo magacaabay xil safiir, inkasta oo aan la shaacin dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xil ka qaadista Cawad ay la xiriirto muran ka dhashay warqad shalay lasoo dhigay cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda oo dowladda Ethiopia looga taageeray dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe laga saaray bogga.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxaan caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Naga filo-faah-faahin dhowaan Insha Allah.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here