Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne maanta ka digtay diyaarad sidday ciidamo gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo la sheegay inuu saacadaha soo socda ku wajahan yahay gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa wafdiga Dabageed ka mid ah xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigaas laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne.

Ujeedka socdaalka wafdigan ah ayaa ah sidii ay kulamo xal raadin ah uga bilaabi lahaayeen halkaasi.

Safarka Dabageed ayaa noqonaya kii sii ugu horreeyey ee uu ku tegayo Beledweyn, tan & markii dhowaan loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here