Maanta oo kale 1 Febraayo sanadii 2002 waxaa soo baxay filimka cabsida, qayaanada, fariinta jaceylka iyo heesaha hirgaleen isku jiro ah Raaz kaasi oo Blockbuster weyn noqday sidoo kalena waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Dino Morea iyo Bipasha Basu halka Ashutosh Rana iyo Malini Sharma doorar muhiim ah ku lahaayeen waxaana filimkan Director ka ahaa Vikram Bhatt.

Advertisement

Raaz wuxuu soo xareeyay 21.46 Crore oo maanta u dhiganto 130 Crore waxaana lagu qarash gareeyay 5.25 Crore sidoo kalena saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 11.89 Crore waana filimka kaliya ee darajada Blockbuster gaaray Bollywood-ka sameeyeen intii u dhaxeesay sanadii 2002 ilaa 2006 laga soo gaaray markaas oo Krrish Blockbuster noqday.

Sanadii 2002 – filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay Devdas Hit ayuu noqday.

2003 – Koi Mil Gaya ugu lacag badnaa isagana Super Hit uu noqday.

2004 – Veer Zaar ayaa ugu lacag badnaa Super Hit ayuu noqday sidoo kalena Dhoom isagana Super Hit ayuu noqday.

2005 – No Entry ayaa ugu lacag badnaa Super Hit ayuu noqday sidoo kalena Baunty Aur Babli isagana Super Hit ayuu noqday.

2006 – Krrish ayaa Blockbuster noqday oo ahaa filimka sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaas sidoo kalena Dhoom 2 isagana Blockbuster ayuu noqday oo dabyaaqadii 2006 la daawaday ahaana midka lacagaha ugu badan soo xareeyay halka Lage Raho Munnabhai isagana Blockbuster noqday waana filimka labaad ee ugu lacagta badnaa 2006.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here