Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Duq Muqdisho iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa lasoo gabagabeeyey.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo Amniga kadib dood socotay 6 Maalin.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa kamid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga Dalka.

Sidoo kalana ciidamada kala duwan ee Dowladda ayaa loogu baaqay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan kaliya shaqadooda Amniga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabk ayaa loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Soo jeedintii ay Golaha midowga musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qaatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka Shirka oo dhameystiran

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com