marka la joogo dalka india waxaa si weyn looga xiiseeya filim jilista maadaama halkaaa ay ka jiraan shirkado badan kuwaaso sameeyaan aflaamta
laakiin kaliya lama xiiseeyo aktarada Bollywoodka sido kale waxa jiraa aktaro caanka ah Tv-yada kuwaaso ka mushaar badan qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywoodka haddaba waa kuma jillayaashaas
1. Divyanka Tripathi
Divyanka waa mid ka mid ah atariishooyinka musalsalada loogu jecel yahay Divyanka dadka inta badan ku xasusstaan doorkeeda Ishita ee musasalkii hir-galay kaaso lagu magacaabo Yeh Hai Mohabbatein atariishadan ayaa waxa ay halkii xalqo mushaar ahaan loo siiyaa lacag dhan Rs 80,000 ilaa iyo 1 lakh halkii dhacdo.
2. Hina Khan
atariishadan dhibaatada badan ee hina khan waxa ay ka mid tahay atariishooyinka ugu mushaarka badan bollywoodka ee dhanka musalsalada hina waxaa ay ku caan baxday doorkeeda aka Akshara ka ee musasalkii Yeh Rishta Kya Kehlata Hai iyadoo halkii xalqo lagu siiyay mushaar dhan Rs 1 lakh ilaa iyo 1.25 lakh halkii dhacdo. Waxay sidoo kale waa mid ka mid ah atariishooyinka ka shaqaynta television kuwooda ugu mushaarka badan maanta
3. Karan Patel
karan waxaa marti-geliyaa show caanka ah ee Gumrah laakiin isaga waxa uu ka mid yahay aktarada ugu caansan Tv-yada isagoo ku caan baxay doorkii Raman bhalla kaaso uu ku jilaayay musasalka Yeh Hai Mohabbatein waxaana halkii xalqo lagu siiya mushaar dhan Rs 1 lakh ilaa iyo1.25 lakh
4. Ankita Lokhande
atariishadan hadda u dalacday dhanka iyo bollywood iyadoo dhawaan qayb ka ahayd filimkii manikarnika – the queen of jhansi kaaso ay hogaaminaysay atariishada Kanagana Ranaut laakiin atariishadan weli waxa ay ka mid tahay shaqsiyaadka ugu mushaarka badan dhanka iyo musalsalada iyadoo lagu xasuusta musasalkii caanka ahaa ee pavitra rishta kaaso ay isla wadayn aktarka sushant singh rajput sanadkii 2009 Ankita Lokhande waxaa halkii xalqo ku qaadata lacag dhan Rs 90,000 ilaa iyo 1.5 lakh
5. Ronit Roy
kani waa aktarka ay sida weyn u jeceshahay gabadha qarash-gareesa aflaamta iyo musalsalada ee ekta kapoor maadama musalsalada ay soo saaraha ka yahay badanaa uu aktarkan qayb ka yahay ronit roy waa aktar u dhaxeeya musalsalada iyo bollywoodka isagoo halkii xalqo ka helo lacag dhan Rs 1.25 lakh
6. Saakshi Tanwar
waa shaqsi kale kaaso badanaa la shaqeeso ekta kapoor saakshi tanwar ayaa waxaa lagu xasuusta doorkeeda filimka dangal iyadoo filimkaas ku jilaysay amir khan xaaskiisa atariishadan ayaa waxa ay halkii xalqo ku qaadata 80,000 rupes
7. Ram Kapoor
ninkan caan ka ah sidoo kalena aan laga weynin musalsalada ekta kapoor ayaa waxa uu badanaa kasoo muuqda aflaamta bollywoodka iyadoo filimkii ugu dambeeyay uu keeno waxa ahayd filimkii baar baar dekho isagoo door aabe ugu jilaayay atariishada Katrina Kaif sidoo kale ram waxa uu sumcad ku dhex-leeyahay dhanka iyo musasalada maadaama uu halkii xalqo uu ku qaato lacag dhan Rs 1.25 lakh
8. Drashti Dhami
atariishadan dadka soomaalida si weyn ay ugu xasuustaan musasalkii caan baxay ee geet waxa ay ka mid tahay atariishooyinka ugu mushaarka badan musalsalada ka baxa Tv-Yada iyadoo sidoo kale ku caan baxday doorkeeda rani ee musasalkii ek tha raja ek thi rani waxaana atariishadan halkii xalqo kasoo gala lacag dhan Rs 80,000 lakh
9. Mohit Raina
aktarkan diyaarsan sidoo kalena sameeyay dhawr musasaladooda sida Devon ki dev iyo mahadev ayaa waxa uu soo galay liiskan aktarada ugu mushaarka badan isagoo halkii xalqo ka helo lacag dhan Rs 1 lakh
10. Shivaji Satham
aktarkan lagu xasuusto aflaamo badan oo bollywood isagoo inta badan waayihiisa aktarnimo lasoo shaqeeyay aktarka sanjay dutt isagoo la sameeyay filimo sida Vaastav , baaghi , Daag iyo aflaamo kale oo badan ayaa waxa uu hadda ku caan yahay doorkiisa dambi baaraha ee shivaji ee musalsalka CID isagoo halkii xalqo ka lagu siiyo Rs 1 lakh
11.Mishal Raheja
kani waa mid ka mid aktarada ugu caansan dhanka iyo musasalada aktarkan la wada jecel yahay ayaa waxa uu keenay dhawr musalsal oo caan ah sida Laagi Tujhse Lagan iyo Ishq Ka Rang safed. waxaana halkii xalqo lagu siiya mushaar dhan Rs 1.6 lakh
Source: dalkaan.com