Shabakada Box Office India ayaa soo saartay liiska 10ka filim ee lacagaha ugu badan kasoo xareeyay Tamil Nadu.

Filimka Master oo todobaadkii hore tiyaatarka la saaray ayaana wacdaro aanan horay loo arkin dhigay isbuuciisa koowaad kadib markii uu soo xareeyay 97 crore, waxayna shabakada leedahay filimka hadii la saari lahaa xili shineemooyinka caadi u furanyihiin wuxuu noqon lahaa filimka lacagaha ugu badan kasoo xareeya Tamil Nadu asigoo waliba dhaafi lahaa lacagihii uu soo xareeyay filimka Bahubali 2.

Master oo uu hogaamiye ka yahay Super Star Vijay ayaa waxaa la saaray shineemooyin la ogolyahay kaliya in la buuxiyo 50% kuraasta yaalo taasoona ka dhigan in lacago badan uu waayay filimkaan sharciga Covd19 owgiis.

Markii Tamil Nadu filimada lacagaha ugu badan soo xareeyay la joogo cimri ahaantooda waxaa hogaaminayo filimka Bahubali 2 inkastoo laga leeyahay shirkada Telagu asigoona keenay cimri ahaantiisa Tamil Nadu kasoo xareeyay 155 crore.

Hadiise laga hadlo filimada ay soo saarto shirkada Tamil Nadu waxaa hogaaminayo filimka Bigil kaasoo soo xareeyay cimri ahaantiisa 140,14 crore.

Hadaba halkaan kaga bogo liiska 10ka filim lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen Tamil Nadu;

  1. Bigil – 140.14 crore (2019)
  2. Viswasam – 131.87 crore (2019)
  3. 2.0 – 128.85 crore (2018)
  4. Sarkar – 123.72 crore (2018)
  5. Mersal – 123.19 crore (2017)
  6. Petta – 115.91 crore (2019)
  7. Master – 113 crore qiyaas ahaan mudo labo todobaad (2021)
  8. Endhiran – 101.59 crore (2010)
  9. Darbar – 93.26 crore (2020)
  10. I – 79.28 crore (2015)

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here